Marka ( INO)-Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa weerar Al Shabaab ay xalay ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Marka.
Weerarka ayaa sida dad deegaanka ah ay IdaleNews.com u xaqiijiyeen ku bilowday Tiro Madaafiic ah oo lala beegsaday Xarunta Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceeljaalle oo 6 Km u jira Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana weerarka intaas kadib uu isku bedelay dagaal fool ka fool ah iyadoona inta la ogyahay 1 qof oo rayid uu ku dhintay weerarkaasi tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Lamana oga illaa hadda khasaaraha dhinacyada dagaalamay ee Al Shabaab iyo Ciidanka AMISOM soo kala gaaray.
Welina ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen dhinacyadaasi weerarka Madaafiicda iyo dagaalkii daba socday.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.