Weerar Askar ay ku dhinteen oo ka dhacay G/Sh/ Hoose.

0
200

Muqdisho ( INO)-Ugu yaraan 2 Askari ayaa ku Geeriyooday 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax Miino oo lagula eegtay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaasi Miino uu ka dhacay meel ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarta ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa dhaawacyadooda waxaa loo soo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qaraxa markii uu dhacay kadib ayaa Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Tixsiile.

Lama oga cid lagu soo qab qabtay Howlgalkaasi ay Ciidamada dowladdu ka sameeyeen meesha Qaraxa lagula eegtay Askarta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo iminka ay Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen weerarkaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas walow Al Shabaab looga bartay weerarada nuucaasi ah.