Webiga Jubba, oo ah kan ugu weyn Webiyada mara dalkeena Soomaaliya ayaa Fatahaad ku sameeyay Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubadda Hoose.
Webiga oo buux dhaafiyay ayaa lagu soo waramayaa inuu qararka jabsaday kadibna uu Biyo xoog leh ku fatahay Deegaanada kala ah Makalagow, Mashaqo, Kabsuma iyo Maafi, halkaasi oo Biyuhu ay baabi’iyeen Dhul Beereed baaxad leh.
Deegaanka Maafi ayaa lagu soo waramayaa in Dadkii deganaa oo dhan ay isaga barakaceen Biyaha socda awgood, waxaana dadkaasi u carareen Deegaanka kale ee Buula Maamow, oo isna cabsi badan ka jirta.
Deegaanada ayaa ah kuwa hoostaga Degmada Jamamaame ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana mid kamid ah Dadka ku nool Jamaame uu Idale News Online u sheegay in ay Shacabka Degmada hadda ay wadaan dadaallo ay uga hortagayaan Biyaha Fatahaadda ah.
Waxaa lagu soo waramayaa in Fatahaada ay bur buriyeen Dagalgii ku beernaa Beerahaha Deegaanada ku dhawa Webiga, mana jirta Howlo samafal ah oo lagu xiraya Biyaha kasoo fatahaya Webiga oo xilligan aad u buux dhaafiyay.
Idale News Online