Waxgaradka KGS iyo ehelada askari ka tirsan Puntland oo ka Wada Hadlaya nin ganacsade oo Dhawaan lagu Dilay Garowe

0
315

Garowe (INO)– Odayaasha koonfur galbeed Soomaaliya ee ku sugan Garowe iyo ehelada askari katirsan ciidanka Puntland oo dhowr maalin ka hor Garowe ku dilay nin ganacsade ah ayaa ka wada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa arrinta askariga.

Marxuum

Nabadoonada beesha uu kasoo jeedo askariga wax dilay ayaa horey odayaasha koonfur galbeed ugu sheegay inuu ninkaasi iyaga u xiran yahay ayna leeyihiin go’aanka ugu dambeeya ee ah in loo toogto ama in mag laga qaato beeshiisa.

Malaaq Khaliif Maxamed Axmed oo ah nabadoonka ninka ganacsadaha ee lagu dilay Garowe, ayaa sheegay inay wadatashi isugu maqan yihiin islamarkaana ay ugu dambayn go’aan ka qaadanayaan sidii laga yeeli lahaa arrrintaan.

Maalintii shalay ahayd rabshado aan sidaasi ubuurnayn ayaa lagula kacay ganacsatada xarumaha ganacsatada Bay iyo Bakool, waxaana markii dambe kasoo gaaray ciidanka booliska oo kala eryay haween iyo carruur caraysan oo doonayay inay dhibaateeyaan dadkaas.

Ugu dambyntii, Rabshadahaan ayaa yimid kadib markii Garowe lasoo galiyay warar been abuur ah oo ku saabsan in Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay lagu dilay nin reer Puntland.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here