Warbixin: Maxamed Cumar Carte oo ku gacan sayrey qorshe uga yimid Shariif Xasan oo Aqalka Sare ku aadan

0
182

Mogadishu (INO) – Iyadoo weli la isku mari la’ yahay dhismaha aqalka Sare ee Barlamaanka ee doorashada dhamaadka sanadka 2016, ayaa waxaa warar hoose laguna kalsoon yahay oo Idale News Online heshay sheegayaan in R/Wasaare ku xigeenka xiligiisu dhamaadey Maxamed Cumar Carte Qaalib uu ku gacan seyrey qorshe Madaxaweynaha Maamul Goboleedka K/Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan  ku doonaayey inuu Mr Carte Qaalib kaga dhaaciyo inuu ogolaado dhismaha Dhismaha Aqalka Sare ee Barlamaanka, isla markaasna uu ka tanaasulo diidmadiisa ku aadan dhismaha aqalka sare  iyo weliba xubnahii dheeriga ahaa ee Puntland loogu darey.

Mr Qaalib ayaa si aad ah ula yaabey u oleynta Shariif Xasan ee dhismaha aqalka Sare iyo isbedelka uu la yimid shirka, iyo sida uu u taageersan yahay inaan wax faragelin ah lagu sameynin heshiisyadii hore Madashu u gaartey.  Mr. Qaalib ayaa Shariifka u sheegay ineysan dhankooda haba yaraatee ogolaan doonin iney qaataan wax ka yar  30% tirada aqalka Sare, haddii  tirada guud laga soo celiyo 54 xubnood iyo haddii tiro kale lagu kordhiyaba. Waxuuna sidoo kale sheegay in haddii dalabkooda la diido ineysan soo xuleyn xubno reer waqooyi ah oo Aqalkaas sare matala.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Punland C/wali Cali Gaas ayaa shirka dib loogu soo celiyey ka dib markii uu ka baxey kana biyo diiday tiro 15 Xubnood oo gobolka Banaadir la siiyey;  tiradaas oo 5ta beelood si siman midiiba loo siiyey min 3 xubnood.   Mr. Gaas ayaa u arka qoondeyntaan cusub ee 15 xubnood ay  badineyso tirada aqalka Sare isla markaasna Puntland wax faa’ido ah ugu jirin 15xubnood oo Aqalka Sare lagu daro, Shakiga Madaxweynaha Puntland Gaas ka muujiyey tiro kordhinta gobolka Banaadir ayaa ku qotonta awoodda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Beelaha Hawiye oo suurtagal ka dhigi karto in xubno gacan saar la leh beelaha Muqdisho halkaasi ka yimaadaan.

Isku soo wada duub, Maamulada Jubalanad, K/Galbeed iyo Puntland iyo Cumar C/rashiid ayaa iyagu raba in heshiiyadii hore loo galey aan waxba laga bedelin,  halka GalMudug iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, Jawaari iyo Maxamed Cumar Carte ay doonaayaan in aqalka sare la laalo ama 15 xubnood lagu daro si looga gudbo is mari waaya hadda jira iyo in doorasho la aado.

Lama ogo halka doodani saldhigan doonto hase ahaatee waxa shirka ka muuqata isxuleysi siyaasadeed iyo beeleed oo koox kastaa ay dooneysa in ay kaga awood roonaato dhanka ka soo horjeeda. Waxaase sidoo kale suurtogal ah in is mari waaya Madasha siyaasada Somalia ka dhex aloosan laga yaabaa in uu keeno fashil iyo in shirka lagu kala tago ama faragelin shisheeye timaado, taasoo aan la ogeyn cawaaqibkeeda dambe.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia