Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa si adag uga hadlay falalka amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab.
Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhex nool yihiin bulshada Soomaaliyeed taasina ay u fududeyneyso inay geystaan dilalka ugu badan.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan ka imaan banaanka magaalada Muqdisho, balse ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka magaalada Muqdisho, taasina ay sababtay inay kordhiso dilalka.
Danjire Francisco Madeira, waxa uu tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay saa’id ahaayen dilalka waxa uuna Hay’adaha amaanka ku booriyay inay ka feejignaadan qalalaasaha amni ee Al-Shabaabka ka dhexwadan Somalia.
Waxa uu Danjire Francisco Madeira, carab dhabay in dhankooda ay diyaar u yihiin wado waliba oo lagu cuuryaamin karo Al-Shabaab waxa uuna talaabooyinkooda noocaa ah ku sifeeyay mid abaal leh.
“Sida ay wax u dhacaan waxaa kaaga muuqanaya inay yihiin kuwo horay loo sii diyaariyay waa in si wada jir ah looga hortagaa Al-Shabaab”
“Al-Shabaab waxa ay lafdhabar u yihiin burbur iyo dhibaatooyin nololeed, waxaa looga gaashamankaraa in leyska kaashto la dagaalankooda”
Danjire Francisco Madeira oo booqday Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhismaha ciidamada Xoogga dalka.
Sidoo kale, Madeira waxa uu ballanqaaday in amniga Somalia ay u gacan galin doonaan ciidamo dhanwaliba ka diyaarsan oo isaga filan Al-Shabaab.
Haddalka Madeira ayaa kusoo beegmaya xili AMISOM ay qeyb weyn ka yihiin dhinacyada loo xil saaray soo saarista ciidamada la wareegi lahaa amniga Somalia.
Share this: