Wax ka ogow quwada milateri iyo tan dhaqaale ee boqortooyada Saudi Arabia

0
215

Riyadh(INO)- Boqortooyada Sacuudiga waa dawlada ugu balaadhan mandaqada beriga dhexe waxaaney dhacdaa koonfur galbeed qaarada Aasiya waxaaney ku daboolan tahay inta badan masaaxada jasiirada carabta waana 2 million km squire.

Quwada dhaqaale:

Dhaqaalaha boqortooyadaasina waa kuwa ugu muhiimsan ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrikaba, Sacuudigu wuxuu leeyahay dhaqaale uu saldhigiisu yahay Shidaal iyadoo boqortooyada gacanta ku hayso dhaqdhaqaaqa ganacsi.

Waxaana Sacuudigu leeyahay kaydka shidaal ee lagu hubo 25% aduunka, waxaaney ku calaamadsan tahay dawlada shidaalka ugu badan soo saarta kana ciyaarta kaalin weyn ururka ay ku mideysan yihiin dalwladaha soo saara shidaalka OPEC, Sacuudigu wuxuu kaalinta 2aad kaga jiraa wax soosaarka shidaalka iyo dhoofinta waana xubin ka mid ah G20.

Dhaqaalaha Sacuudigu wuxuu ku shaqqeeyaa hanaanka Demand and Supply waana mid diyaar u ah tartanka suuqyada soo koraya iyo kuwa caalamiga ah mana jiraan wax axnibaad ah oo saaran sariflayaasha lacagaha qalaad mana jiraan qeyb badeecadaha ka mid ah oo ay xanibaadi saaran tahay ee loo soo dhaafiyo marka laga reebo badeecadaha ay diinta islaamka xaarantimeysey ama bulshada waxyeelaya ama dhaawaci kar amniga guud ee qaran leeyahay.

Kaalinta 14aad waxey kaga jiraan liiska kala sareynta sanadlaha ah ee dalalka caalamka ka soo gaadhaya 1 tiriliyan iyo 500 bilyan dollar sanadkiiba, Tirada dadka sacuudiga ka shaqeeyaa waxey gaadhayaan 11 million qof.

1: Adeega: waxa ka shaqeeya 71%

2: Warshadaha: waxa ka shaqeeya 21%

3: Beeraha: waxa ka shaqeeya 6%

Laakiin waxa meel sare taagan qiyaasta dadka bilaa camalka ah { aan shaqeyn} waana 11% tirada dadkii shaqeyn lahaa.

Quwada Milateri ee Sacuudiga:

Boqortooyada Sacuudigu waxey haystaa quwad ciidan oo balaadhan oo ay warbixinihii u danbeeyey ee ay soo saartey hayada dalka Mareykanka ee Global Fire Power ay soosaartey ee u xilsaaran soo diyaarinta warbixinaha awooda ciidan ee dalalka caalamka iyo halkey marayaan.

Waxey sheegeysaa warbixintaasi in milateriga Sacuudigu yahay ka ugu awooda badan mandaqada Khaliijka Carabta waana dalka 3aad ee ugu ciidanka wanaagsan dalalka Jaamacada Carabta marka laga reebo dawladaha Masar iyo Algeria.

Waxaana tirada ciidankiisu gaadheysaa 233 kun askar ah kuwaasoo 75 kun yihiin ciidanka dhulka, 13 kun iyo 500 askar ciidanka badda ah, 20 kun na ciidanka cirkaa. Waxaana intaa soo raaca ciidanka keydka ah oo ilaa 25 kun askari, iyo ciidanka ilaalada xuduudaha oo gaadhaya 100 kun askari.

Ciidamad dhulka ee Sacuudigu waxey haystaan ilaa 1200 taangi, 540 kale oo gawaadhida gaasham ah ee dagaalka ah, 540 madaafiicda goobta dhaq dhaqaaqi kara ah iyo 440 madfac oo kuwa aan lugaha lahayn waxaana soo raaca 313 gawaadhida gantaalaha laga rido.

Ciidamada cirka ayaa ku qalabeysan 133 diyaaradood oo dheereeya, 200 diyaaradaha dhanka weerarada loo adeegsado, 250 diyaaradood oo isugu jira kuwa ciidamada daad gureeya iyo kuwa tababarada lagu bixiyo oo ay soo raacaan ilaa 200 nooca helikabtarka ah, waxaana diyaardaha Sacuudiga ka mid ah F16 Tornado iyo Euro Fighter Typhoo.

Dhanka ciidamda badda ayaa ku hubeysan 155 gaadiidka badda loo isticmaalo, iyadoo miisaaniyad sanadeedka dhanka difaacu ka badan tahay 67 bilyan dollar sanadkii, iyadoo sandkii dalka 3-aad ee boqolkiiba kordhintii ugu badneyd ku sameeyey saaniyadiisa ciidamada.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

W/Diyaariye Abdirahman Kadar Abdi