Waxaa magaalada Muqdisho indhawaaleba ka socdey dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo si wadajir ah uga shaqeynayeen gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya haddase ah xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Wasiir dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir kasoo looga gol leeyahay in lagu dhiciseeyo shirka gogoshiisa ay taalo magaalada Baydhaba ee la doonaayo in lagu dhiso maamul ka kooban lix gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe , Jubbada Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo hormuud ka ahaa heshiiskii dowlada federaalka Soomaaliya ay la gashey Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Max’ed Islaam “Axmed Madoobe”. ayaa waxuu galaangal ugu jiraa sidii uu u heli lahaa xulufo siyaasadeed oo ka soo jeedo gobolada Bay iyo Bakool si meesha looga saaro wax alaale waxii caqab ku noqon kara heshiiska Addis Ababa dhinacyada dowlada iyo maamulka Jubba ku gaareen.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa la sheegayaa in maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka dalka hogaanka u haayo, waxuuna sheegay in aysan suurtogal aheyn in seddex gobol wax ka badan is raacaan, wasiiru dowlaha oo dad ka soo jeedo koonfurta Soomaaliya la kulmay ayaa si cad ugu sheegay in dadka gobollada Bay iyo Bakool xaq u leeyihiin in ay dhistaan labo gobol haddii laga fursan waayana 3 gobol oo dhamaan dadka deegaanadaasi maamulka laga qeybgalinaayo balse dowladu aysan raali ka aheyn dhismaha maamul ka badan seddex gobol.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddooyinkii ugu dambeeyey saaxiibo dhow ahaayeen Faaxax C/qaadir ayaa isugu aad ula dhacsan siyaasada dowlada ee maamul u sameynta degmooyinka iyo gobollada Koonfureed, waxaana si aad ah u taageerey in la dhiso maamul ka kooban seddex gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Shariif Xasan iyo Faarax C/qaadir ayaa qorsheynaayay in ay tagaan xarunta shirka ee Magaalada Baydhabo, hase ahaatee waxaa imaanshaha wasiiru dowlaha ka hor yimid odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in Shariif Xasan sheekh Aadan maalmaha nagu soo aadan uu gaaro magaalada Baydhabo si uu ugu sii gogol xaaro wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir, waxaana socdaalka wafdiga dowlada ee Baydhaba uu salka ku hayaa sidii odayaasha loogu qancin lahaa dhismaha maamul ka kooban saddex gobol sidoo kale lagu qanciyo in ay ka tanaasulaan dhismaha maamul ka kooban 6 gobol.
Magaalo Baydhabo waxaa ku sugan ergo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iska hormariyey iyo qaar ka tirsan fanaaniin ka yimid magaalada Muqdisho kuwaasoo ka qeyb ah qabaqaabo weyn oo magaalada Baydhabo loogu sameeyo imaanshiisa.
Dadka Soomaaliiyeed ayaa si aad ah u xasuusta siyaasadii labada shariif waxaana hadda markale furmay isxuleysi cusub oo ka dhaxeeya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Faarax C/qaadir oo ku saleysan maamul u sameynta gobolada dalka taasoo aan aragti fog laheyn dalka & dadka haba yaraatee ka saari karin jahawareerka daashadey 23kii sano ee la soo dhaafey, iyadoo si gaar ah dadka u tilmaameen in damaca iyo xafiiltanka Shariifka horseedi karo oo kaliya dib u dhac iyo qalalaase siyaasadeed oo la mid ah tii taariikhda uu ku galey ugu dambeyntiina ay isaga la degtay ama qafaalatey.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/WaaDigniineIsDaryeelooDadkaSooRaac.mp3|autostart=yes]Idale News Online