Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Magacaaban oo la Bedelayo & Xildhibaano Xilal Helaya

0
222

Muqdisho(INO)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Waxaa hadda ka Jira Mashquulkii ugu Xoogganaa, Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka iyo Madax kale ayaa Buux Dhaafiyay Xafiiska Cumar, kuwaa oo doonaya in ay Xilal helaan, halka kuwana uu la Tashi la Sameynayo.

Xukuumadda Imaanayesa ayaa Miisaaniyadda ay Baarlamaanku u Ansixiyeen waxaa ay tahay ilaa 25 Xubnood Miisaaniyadood, waxaana uu Cumar soo dhisay Xukuumad ka Kooban 20 Wasiir, taasoo dadka Barkood Aaminsanyahay in Xubno loo dhigay Saaxiibada u dhow Xasan Shiikh Maxamuud, Halka kuwo kale ay Rumeysanyihiin in aysan ahaynba mid uu u Madax banaanyahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa Muuqata in ay Fursad Muhiim u ah ka Heli doonaan Xukuumadda soo socota, Wasiirrada ayaa la sheegayaa in qaarkood lasoo Bedelayo, waana tan ugu Hadal heynta Badan.

Wasiirrada hadda lasoo Magacaabay intooda Badan ma lahan Qibradda Siyaasadda Dalkan lagu Hagi karo, Maadaama qaarkood aysanba Dowlad lasoo Shaqeyn, halka qaarkood ay Horraan Dowladihii KMG ahaa uga soo Mid Noqdeen.

Xildhibaanada ayaa Fursadda ay Heli doonaan waxaa ka mida Wasiirro, Ku xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal.

Ilo ku dhow Xafiiska Cumar C/rashiid ayaa Warbaahinta  u Xaqiijiyay in Xukuumadda lagu Laabanayo, lana Bedelayo Wasiirro Xildhibaano la Keeni Rabana ay Jiraan.

Toban Maalmood ayuu ka Dalbaday Baarlamaanka Dalka in ay u Ogolaadaan in uu Xukuumaddiisa kusoo Dhameystiro, waxaana Hadda ugu Harsan Waqtigaas 6 Maalmood.

275 Xildhibaan oo Seddax Garab u kala qaybsan ayaa la is Weydiinayaa sida ay Xukuumadda Cusub si ay Raali isaga yihiin uga soo Dhex Muuqan Karaan.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here