Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Oo Gaarey Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay

0
219

Buurhakaba(INO)-Wasiiro ka tirsan dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta socdaal ku tagay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay halkaasoo maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayey biyo la’aan baahsan oo soo foodsaartay dadka ku dhaqan Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaada.

Waftiga ka socda dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa waxaa horkacayey wasiirka arimaha gudaha maamulkaas C/raxmaan Aadan Sate,waxaana ka mid ahaa saraakiisha ugu saraysa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa itoobiya  ee ku sugan gobolka Bay.

Socdaalka waftiga ayaa lagu sheegay u kuurgalidda xaaladaha adag ee biyo la’aaneed ee haysata shacabka ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo deegaanada hoos yimaada,waxaana waftiga si diiran usoo dhaweeyey masuuliyiinta degmada iyo dadweyne tiro badan.

Masuuliyiinta ayaa markiiba booqday warta magaalada ee ay dadku biyaha ka cabijireen taasoo xiligan gabi ahaanba gudhay,wasiirka arimaha gudaha Dowlada Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya C/raxmaan Sate ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka iney si dhaqso ah biyo dhaamin uga bilaabaan degmada Buurhakaba iyo deegaanada hoos yimaada.

Ugu Dambeyntii Dadka ku dhaqan gudaha degmada Buurhakaba ayaa biyaha u doonta ceel magaalada u jira qiyaastii 20-Km taasoo keentay iney dad badan ka barakacaan degmada,waxaana lasoo sheegayaa iney halkaa ka taagan tahay xaalad biyo la’aaneed oo ba’an.

Idale News Online, Buurhakaba, Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here