Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koofur Galbeed Soomaliya Oo Gaaray Shalaambood

0
292

Shalanbood(INO)-Wararka haatan naga soo gaaraya Deegaanka Shalaambood ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ay tilmaamayaan in Wasiiro iyo Odaayaal ka Tisan Dowlada  koonfur galbeed Soomaaliya halkaa ay gaareen.

fiqi

Wafdiga ayaa waxaa hor kacaya Wasiirka w beeraha iyo Waraaka  Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan fiqi iyo odayaal ka soo jeeda shabeelada hoose.

Shacabka reer shalaambood ayaa inta badan guryahooda isaga cararay kadib markii ay saameyn adag ku yeesheen dagaaladii gobolkaas ka dhacayay,

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa in ay safarkooda shalaambood ka dib gaaraan deegaanka Ceel jaale ee duleedka Marka.

Shacabka tirada yar ee Shalaambood ayaa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiintan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka socota.

Goor dhow waxaanu idin soo gudbin doonaa Sawiro

Idale News Online, Shalabood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here