Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo oo Qirtay in Lacag $ 5 Milyan bixisey UAE aan La marsiin Bangiga Dhexe

0
281

Sida ku cad waraysigaan hoos ku qoran Xukuumadii Mudane: Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxey qiratay in lacag gaaraysa 10 Milyan oo doolar oo laga soo qaaday Dalka Isutaga Imaaratka Carabta in $ 5 milyan oo ka mid ah la geeyey Bangiga Dhexe halka $ 5 milyan oo kale ay aan la marsiin Bangiga Dhexe.

 

Wasiirkii hore ee Maaliyada

Somali Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed told AP in an interview in Mogadishu in April that his government received one payment of $5 million dollars from a Middle Eastern country this year that he “believed” to be the United Arab Emirates.

Read AP report: AP -exclusive more than 70 million missing in somalia politicians accept briefcases of cash

Ra’iisul wasaarhii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo waraysi uu siiyey Aprill 2011 wakaladda wararka ee Associated Press ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay ka heshay dowladda Isutaga Imaaratka Carabta lacag gaaryasa ilaa 5 Millyan oo dolar.

But Finance Minister Hussein Halane told AP in April 2011 that he accompanied the prime minister twice to Abu Dhabi, the capital of the United Arab Emirates, this year and had seen Mohamed personally receive $5 million in cash each time. After more than 50 phone calls and e-mails from AP over six weeks, the government produced documentation showing that only one payment of $5 million was deposited into the country’s Central Bank. The other payment remains unaccounted for.

Sidoo kale Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Farmaajo aya isna u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP inuu la socday Ra’iisul Wasaare Farmaajo markii lacagta ay ku wareejinaysay Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabtu laba jeerm markiiba 5 Milyan oo Dollar lacag gaaraysa waxayna sheegtay Wakaaladda wararka ee AP in ka badan 50 jeer oo la wacay isla markaana Email loo diray saraakiil ka tirsan Dowladda mudo lix usbuuc ah waxey u xaqiijiyeenin aan lacagtaas la marsiin Bangiga Dhexe iyagoona saraakiishu dowladda u soo diray wakaaladda wararka ee AP Documentiyo cadyn ah in 5 Million oo dolar kaliya la geeyey Bangiga Dhexe lacagta inteeda kalana ay si xisaab la’aan ah ay ugu hartay gacanta Ra’iisul W. Farmaajo.

Fartaag ayaa report-ka ku sheegay in 75 milyan oo doolar oo soo gashay dowlada mar , ay xisaabiyeen oo kaliya  2.8 milyan oo kaliya  in khaanada dowlada ay soo gashay , waxaa la isweydiinayaa xagee lacagta 5 milyan ku dhaawadka ah la geeyey??? hadaysan soo gelin khasnada dowlada, intaas waxaa sii dheer lacagaha kale ee boorsooyinka kagu soo qaado ee aan xisaabta ku jirin.

Waxaa soo baxaysa in Kursiga Soomaaliya ee loo wada ordayo  in ay ka danbayso oo kaliya in dhaqaalaha Caawinaada loogu talagalay Soomaaliya in ay ku dhacaan Jeebabka shaqsiyaad gaar ah, waxaana maqaalka AP ay horay u diyaarisay laga dhaalacan karaa in Caalamku ay lacagta ay u siiyaan Soomaaliya in dowlad sax ah la helo, laakiin soomaalidu ay daacad ka ahayn in Dowladnimo la helo, aan ka ahayn u tartan u galaan dhaqaalaha Soomaaliya in la lunsado, jeebabkooda ay galaan.