Wasiirkii Hore Ee Anminga Cabdi kariim Guuleed oo Loo magacaawey La Taliye.

0
254

Wasiirkii hore ee amniga Qaranka Soomaaliya,C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markale ka soo dhex muuqan doonna xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia,waxaana loo magacaaay la taliye dowlada ka tirsan.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed la taliyihiisa arrimaha siyaasadda.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa xilkan loogu magacaabay C/kariin Guuleed, iyadoo lagu sheegay qoraalka xilkan loogu magacaabay Guuleed in howshiisu ay billaabatay 29-kii bishii hore.

Ma jirto cid wali loo magacaabay jagadi horay uu isaga casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed,waxaana si haye ka ah xilka wasiirka amniga qaranka wasiirka gaashandhigga.

Haddaba halkan hoose ka akhri wareegtada magacaabidda C/kariin Xuseen Guuleed.

wasiirka-arimaha-gudaha

Idale News Online, Muqdisho.