Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee ay Saxaafadda qaarkood baahiyeen ee ka dhanka ah xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mid waxba kama jiraan ah, isagoo shacabka ka codsaday deganaansho inay muujiyaan.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa tilmaamay in wararka sheegaya in Madaxweynaha uu geeriyooday uu yahay mid waxba kama jiraan ah, isagoo xusay in goordhaw ay la hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana uu dalka Turkiga u aaday Madaxweynuhu safar aan rasmi ahayn.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu goordhaw shacabka kala hadli doono warbaahinta, islamarkaana aysan bulshadu dhag jalaq u siinin shaqsiyaadka wararka been abuurka faafinaya.
Idale news Online.