Wasiirka Warfaafinta KGS Iyo Mas’uuliyiinta Hay’ada TIS/USAID Oo Heshiis Ku Gaarey Magaalada Nairobi

0
283

Baydhabo(INO)- Wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa Maanta magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda TIS/USAID Ee u qaabisan Soomaaliya, isagoona halkaas kula Saxiixdey Heshiis qalab looga qaadayo Wasaarada kuwo lagu wacy-galinnaayo Bulshada kuwaaso ah Qalab Music ah oo Dhameystiran.

xasan iyo Hay;ada TIS

Wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta hay’adda TISS/USAID warbixin ka siiyay xaalada Degaanada Dowlada KG Soomaaliya,isagoo sheegay in ay sii dhamaaneyso qatarta kooxda Mayalka Adag  Ee Soomaalida Al- shabaab, Isla markaana dowlada KG Soomaaliya ay cirib tireyso haraadiga kooxdaasi.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Hay’adda TIS/ USAID in wasaaradiisu ay wado barnaamijyo lagu wacyi galinaayo dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana loogona wacyi galinaayo qatarta kooxda Al-shabaab iyo sida ay muhiim u tahay in ay ka tanaasulaan fikirka Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta ayaa Sidoo kale u sheegay mas’uuliyiinta TIS/USAID in Wasaarada ay dooneyso in Degaanada KG Soomaaliya ay ka hergaliso TV iyo Radio Ku Hadla Afka Dowlada KG Soomaaliya isla markaana shacabka  KG Soomaaliya la gaarsiinaayo dowladnimada.

Wasiir Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyay hay’adda TIS/USAID sida ay dhinacyo badan uga taageerto wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxana uu ka codsaday in ay sii wadaan taageeradaasi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo uu ka dhaxeeyo wasaarada warfaafinta iyo wacy-galinta Bulshada KGS iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howgala KG Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafint iyo Wacy-galinta Bulshada KG Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda  TIS/USAID in ay tababaro dhanka xirfada ah ay siiyaan shaqaalaha wasaaradiisa iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Si kastaba ha ahaatee, Mas’uuliyiinta hay’adda USAID ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ka wadaan tartamo isboorti oo ah is dhex galka dhalinyarada,maadaama dhalinyarada ay tahay %60 shacabka dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Mas’uuliyiinta Hay’dda TIS/USAID ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqeynta iyo taageeridda wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshaa KG Soomaaliya.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here