Wasiirka Warfaafinta “Dowladda Federaalka aad bey uga xun tahay dagaalka Caabudwaaq”

0
221

Muqdisho(INO)— Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, in dagaalkooda ay ku dhameeyaan wada hadal.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay aad uga xuntahay dagaalka labadii maalmood ee ka socday Caabudwaaq iyo waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah.

“Dowladda Federaalka aad bey uga xun tahay dagaalka Caabudwaaq, waxaan ku boorineynaa dhinacyada dirirtu dhex martay inay wada hadal ku xaliyaan khilaafkooda sababay gacan ka hadalka”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn dagaal si macno darro ah lagu daadiyay dhiigga dadka walaalaha ah, waxaana uu mar kale uu ku baaqay in nabada laga wada shaqeeyo.

In ka badan shan ruux oo dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaal labadii maalmood ka socday Caabudwaaq, waxaana dhaawacyada ay kor u dhaafayaan toban ruux.

Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug ayaa la wareegay degmada Caabudwaaq, kadib markii ciidankii Ahlusuna ay isaga baxeen, markii culeys ciidan uu soo wajahay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here