Wasiirka Hawlaha Guud & Dib udhiska Soomaaliya la kulmey Safiirka Imaaradka u fadhiya Soomaaliya

0
209

Muqdisho(INO)-Wasiirka Hawlaha Guud & Dib udhiska Somaliya Eng.Salah Sheikh Osman ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Safiirka Imaaradka u fadhiya Soomaaliya Amb.Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan dhinacyada kala duwan oo Imaaraad uu ka caawiyo Soomaaliya.

eng salax
Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka Hawlaha Guud & Dib udhiska waxaa uu ugu mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo xaaladaha Insaaniyadda ee Soomaaliya.


Eng.Salah Sheikh Osman, Wasiirka Hawlaha Guud & Dib udhiska Somaliya ayaa dowladda Imaaraaddka Carab ka codsatay in ay sii labo laabaan taageerada Dib U dhiska .

Idale News  Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here