Wasiirka Gaashandhiga G. Xaamuud oo Weli Raadinaya Xalka Dagaalka u Dhaxeeya Beelaha Habargidir Iyo Biyamaal

0
162

Wafdiga ka socda xukuumadda Muqdisho ee uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga ahna sii hayaha wasaaradda amniga Gen Maxamed Sheekh ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose si xal kama dambeys ah loogu helo xaalada ka taagan Magaalada Marka.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan oo ku sugan magaalada MarkaCadey ayaa sheegay in horumarro badan laga sameeyay xallinta xasaraddii u dhaxeysay Beelaha  Habargidir iyo  Biyamaal ee ka dhacday gobolka, hase yeeshee wuxuu sheegay in loo baahan yahay in waqti badan la bixiyo si loo gaaro nabad waarta.

Gen Maxamed Sheekh waxaa uu la kulmay hogaamiyeyaasha Labada beelood ee dagaalamay isagoo ka dhaadhiciyay bal inay eegan danta shacabka iyo baahida loo qabo in labada beelood ay qaatan dib u heshiisiinta.

xaamud

Idale News Online, Marka.