Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada magaalada, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu magaalada ku sugnaa. C/xakiin Fiqi oo todobaadkii hore lagu xanibay garoonka diyaaradaha Kismaayo, isaga iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa hada ah wasiirka kaliya ee jooga Kismaayo, markii wafdiga kale ay ku laabteen magaalada Muqdisho.
“Xaaladaha ka jira Kismaayo waxaa kaaga sheegi karaa in shacabka ku dhaqan halkaan ay taageero buuxda u hayaan, ma maleyn kartid taageeeradaas, cid aan magaalada aan imaanin taas marna ma qiyaasi karto”ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo la hadlay BBC-da.
Mr Fiqi ayaa sheegay in saddex arrimood uu u tagay Kismaayo, isagoo xusay in meel wanaagsan u marayaan howlaha uu u tagay magaalada, isagoo xusay in kulamo uu ugu gogol xaarayo shirweynaha dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhici doono uu u socdo qeybaha kala duwan ee bulshada.
“Fariinta dowladda ee aan wado ayaa tan koowaad ah in amniga laga shaqeeyo, waana howsha ugu weyn ee aan halkan u soo gaarnay ayaa ah inaan rere Kismaayo gaarsiino saddex arrimood, in dib u heshiisiinta la sii wado, iyo in xaalada halkaan aan u guur galno”ayuu yiri C/xaqiin Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku tilmaamay arrin aad u qaldan in dadka reer Kismaayo haatan ay heysato caqabado la xiriira Isgaarsiinta oo hawada laga saaray, taasoo uu xusay inay abuureyso xaalado amaan daro.
“Dhibaatada ugu badan ee shacabka Kismaayo heysato waa Isgaarsiinta oo marna hawada laga saaro, runtii waxay abuureysaa xaalad bani’aadanimo, waxaa naloo sheegay inay jiraan reer iyo caruurtooda oo qaday, markii biilashooda ay kala soo bixi waayeen Taleefanada”ayuu yiri.
Maamulka KMG ee Kismaayo ayaa haba yaraatee la kulmin wafdiga Wasiirada ee dowladda u soo dirtay Kismaayo, oo muddo todobaad jooga, iyagoo sheegay in aanay lagu soo wargelin in wafdi ka socda dowladda imaanayaan Kismaayo.
Idale News Online Mogadishu