Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay shuruuc ay soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, kaasoo ku saleysan maamul u sameynta gobolada dalka.
Mr Guuleed oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijka maamul u sameynta iyo xasilinta gobolada dalka uu yahay mid la doonayo in aanu imaan marnaansho xaga maamulka ah deegaanada la qabto.
“Sharciga maamul u sameynta waxaa uu ka kooban yahay saddex qeybood oo kala ah in Gobolada iyo degmooyinka la qabanayo loo sameeyo maamul KMG oo deg deg ah muddo lix bilood oo ka bilaabanaya maalinta ugu horeysa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in marka la sameeyo maamulka KMG la qabanayo shirweyne ay soo abaabuleyso Xukuumada Soomaaliya, kaasoo lagu soo dooranayo Gole deegaan oo heer gobol iyo heer degmo ah, si ay isaga soo dhex doortaan Maamulkii matali lahaa.
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay qorshahan uu bar bar socdo dib u heshiisiin, sugida nabadgelyada iyo mashaariic ay u abuureyso Xukuumada deegaanada laga hirgeliyo maamulada KMG, si loogu diyaariyo maamul dhameystiran.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in wajiga saddexaad uu yahay dhismaha Maamul goboleedka, kaasoo uu xusay in tirada laga rabo maamul goboleedyada dalka uu jaan goynayo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu xusay in ugu horeyn maamul goboleedyada ay noqon ka karaan wax ka badan labo gobol oo ku heshiiya, kadibna la qabto shirweyne ay ku dhistaan maamuladaas.
“Ahmiyad aad u ballaaran ayuu u leeyahay wuxuu qayaxayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka shuruucadhooda sharcigan waa mid ballaaran oo dhidibada u aasaya maamulada degmooyinka iyo Gobolada”ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in sharciga wasaaradiisa diyaarisay la horgeynayo Baarlamaanka si uu u ansixiyo.
Si kastaba ha ahaatee shuruucdan ay soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku saabsan maamul u sameynta gobolada dalka ayaa la ogeyn sida ay ugu qanci karaan mas’uuliyiintii hore ee xilkooda ku waayay magacaabista Maamulada KMG ah.
Idale News Muqdisho