Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya oo qaraxii hotel Jaziira ku eedeeyey Madaxweynihii hore

0
240

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sam Ongeri oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Jazeera ee uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, xilli ay wada kulan sanaayeen isaga iyo Madaxweynaha cusub.

Mr Ongera ayaa sheegay in qaraxaas uu wax ka ogaa Madaxweynihii hore, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa qaraxa inuu ahaa mid muujinayay loolan xaga awooda ah sida uu yiri.

Wasiirka Arrimaha dibada ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yimaaday Hotelka wax yar kadib markii qaraxa dhacay, isla markaana aanay ka muuqan wax naxdin iyo in aanu u heysan in wax ka dhaceen goobta.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore uu la soo xiriiray ka hor inta aysan dhicin doorashada, isla markaana ka codsaday kenya inay ku taageeraan doorashada Madaxweynaha, si dib loogu soo doortay, hase ahaatee uu sheegay in Kenya ay u cadeysay in aanay taageereyn Musharax gaar ah, ayna eegeyso natiijada ka soo baxda doorashada.

Inkastoo qaraxa ay sheegteen Al-Shabaab, hadana Kenya ayaa wali colaad u heysa Madaxweynihii hore Shariif oo horay uga hor-yimid in Kenya Ciidamadeeda aanay ogaal ku soo gelin Koofurta Soomaaliya, isla markaana ay iska soo galeen amar la’aan.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Kenya ay u soo gashay Soomaaliya dano la xiriria dhinaca xeebaha Koofureed oo ay damacsan tahay inay shidaal ka qodoto, iyadoo xilligan ciidankeeda dagaalo kala kulmayaan Kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Axmed Macalin siyad_macalin@hotmail.com