Wasiirka Arr Dibada Somalia oo Ankara maanta ka soo ambabaxay

0
309

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa maanta ka soo ambabaxay ka soo ambabaxey Turkey-ga oo uu joogey muddo labo maalmood ah ka dib markii uu kasoo qeybgaley shikii golaha amaan ee qaramada midoobey oo dhawaantaan ku idlaadey Magaalada New York

 
Wasiirka oo labo cisho ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Ankara ayaa warfidiyeenka u sheegey inuu Turkiga  u yimid sii xoojinta xiriir ka labada dal iyo sare u qaadida howlaha dowladda tukeyga ay ka wado Soomaaliya. Waxuuna intii uu halkaas ku sugnaa la kulmay madax sare oo dowlada Turkiga iyo Safaarada Somalia. Gelinkii dambe ee maanta ayuuna ka soo ambabaxay Turkey isagoo dib uga noqdey magaalada Muqdisho ee Xarunta Dowlada kmg ee Somalia.
 
Ma ahan markii ugu horeysay masuuliyiin dowlada ka tirsan uu booqasho noocaan oo kale ah ku tago Turkiga, waxaana dhowr jeer oo hore safaro kuwaan la mid ah Turkiga ku tagey masuuliyiin kale oo aad u farabadan.  Turkiga waa dalka kaliyga ee dunida si aan hagar la’aan ah ugu gurmaday shacabka Soomaaliyeed iyagoo ka gacansiiyey arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, dhismaha wadooyinka, dhismaha madaarka Muqdisho oo dhamaantood ah  arrimaha asaasiga ee ay shacabka Soomaaliyeed baahi u qabeen.
 
Idale News Online “INO” Istanbul, Turkey