Wasiirka Amniga Puntland oo ku dhaawacmay is rasaaseyn ka dhacday Boosaaso

0
390

Bosaaso(INO)— Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qar-Jab) ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn maanta ciidamo ka tirsan Puntland ku dhex maray magaalada Boosaaso.

Is rasaaseynta ayaa timid markii uu muran soo kala dhex galay wateen Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen, C/risaaq Afgaduud, iyagoo isu gacan qaaday, waxaana gacan qaadkooda kadib bilowday is rasaaseyn.

Illaa lix askari oo labada dhinac ah ayaa la sheegay inay sidoo kale ku dhaawacmeen is rasaaseynta, ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay.

Cabdi Xirsi Qarjab ayaa la sheegay in dhaawiciisu yahay qaarka hoose, waxaana la geeyay Isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso.

Halka is rasaaseynta ka dhacday ayaa aheyd xarunta ciidanka Birmadka, halkaasoo uu ka socday kulan amniga looga hadlayay, waxaana ciidamadii ku sugnaa xarunta ee ilaalinaya saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ay ka war heleen gacan ka hadalka dhex maray Labada taliye.

Is rasaaseyntan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso.

Idale News Online, Bosaaso