Brussels,(INO)— Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa maanta kulan gaar ku yeelanaya Caasimada Brussels, iyagoo ka arrinsanaya saameynta ay ku yeelan karto guusha uu Donald Trump ka soo hoyay doorashadii Madaxweynaha Mareykanka ee todobaadkii hore dhacday.
Midowga Yurub ayaa ka wal-walsan hadaladii uu Mr Donald Trump jeediyay intii uu ku guda jiray ololihiisa.
Donald Trump ayaa taageero u muujiyay Ruushka, isagoo muujiyay fikirka xun ee uu ka aaminsan yahay NATO iyo Midowga Yurub, taasoo dhibaato ku ah.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Britain iyo Faransiiska ayaa kulankan ka qeyb geli doonin, waxayna sheegeen in laga bad badiyay cabsida laga qabo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka.
Midowga Yurub ayaa ka walaacsanaa guusha Donald Trump ka soo hoyay doorashadii dhowaan, waxaana ay u arkeen inay tahay dhibaato ku soo wajahan xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub.