Wasiirada Arimaha dibada & Maaliyada DF oo la kulmay MW Bangiga Afrika.

0
197

Tunis, April 28, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi , iyadoo kulanka looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Bankiga ugu talagalay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu kaga baahnaa Bankigaasi mudadii qaran burburka  iyo colaadaha ay ka jireen dalka .

Kulankani oo uu sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane iyo saraakiil kale oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa lagu falan-qeeyay fududeynta deeqaha maaliyadeed iyo fulinta mashaariic kala duwan .

Kulankani oo qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso Xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hey’adaha maaliyadeed ee heer gobol iyo heer caalami ayaa waxa uu muujiyay qorshayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ay ku doonayaan inay fursado maalgeshi ,dib u dhis iyo horumarin uga suuragelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo burburiyay nidaamka dowladnimo, deganaansha ammaan, dhismayaasha hey’adaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika inay taageeraan hey’adaha maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bankiga Dhexe , si loogu saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.

w7 w1 w2 w3 w4 w5 w6Idale News Online.