Wasiir Xoosh “Mooshinka Jawaari 10-ka beri waxay ka bilaabataa maalinta la horgeeyo Golaha”

0
191

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid wali sharci ah oo aan burin

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in 18-kii bishan March uu Guddoomiye Jawaari aqbalay Mooshinka inuu xalaal yahay, isla markaana uu haatan ku doodayo in 10-kii cisho ay dhamaatay, balse uu iloobay in qodobka 9aad ee xeer hoosaadka uu dhigay in 10-ka cisho ay ka bilaabaneyso maalinta la horgeeyo Golaha.

“Maarso 18keedii Jawaari wuxuu aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay. Laakin wuxuu illoobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31″ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Mr Xoosh ayaa dood sharciyeed ka keenay qodobka ay soo qaateen Xildhibaanada sheegay inuu Mooshinka buray.

Wasiir Xoosh ayaa yiri “Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la hor geeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintaan”

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo taageersan Jawaari ayaa habeen hore sheegay in Mooshinkii uu buray, maadaama ay dhamaatay mudadii 10-ka cisho, halka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey uu ku dhawaaqay in mooshinka aanu waxba iska bedelin sharcinimadiisa iyo habraaciisa