Wasiir Khadiija oo ballab u fidisay dadka la nool cudurka Aids-ka.

0
161

Muqdisho:Wasiirka  haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federalka ah Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay guddiga ka hor-tagga cudurka AIDS  ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dadka lanool cudurka ee ku nool Muqdisho.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in ujeeddada kulanka ay tahay in la billaabo wada-shaqayn dhex-marta wasaaradda, hay’adda iyo sidii loo ilaalinlahaa xuquuqda aas-aasiga ah ee dadka qaba cudurka.

Wasiirka ayaa kulanka maanta ku shaqaaleysay laba gabdhood oo qaba cudurka, kuwaas oo maanta si rasmi ah ugu biiray shaqaalaha wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

Mas’uuliyiin u hadlay ururka ka ho-rtagga cudurka AIDS-ka ayaa wasiirka ku ammaanay wada-shaqaynta ay muujisay, waxayna codsadeen in gacan laga siiyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah iyo daryeelka qofka qaba Aids-ka.

Mid ka mid ah gabdhaha la shaqaaleeyay ayaa sheegtay in tallaabadani ay farxad gelineyso gabi-ahaanba dadka la nool cudurka, waxayna u mahadcelisay wasiirka.

Khadiijo

Idale News Online, Muqdisho.