Wasiir Jangeli: “Joojinta qaadka iyo Shirka Igad shaqo iskuma laha”

0
173

Muqdisho(INO)- Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanu wax xiriir ah ka dhaxeen joojinta qaadka laga keeno dalka Kenya iyo Shirka Madaxda Wadamada Igad, ay 10-ka bishan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wax laga weydiiyay bal haddii xiriir uu ka dhaxeeyo joojinta qaadka iyo shirka Igad, waxaana uu sheegay inaanu wax shaqo ah isku lahayn.

“Sababta loo joojiyay qaadka iyo shirku shaqo iskuma leh. Shirku waa shir wadaxaajoodkii Dowladaha Igad oo dhan, ay horey go’aan ugu gaareen inuu ka dhaco Muqdisho. Wax lugana kuma leh joojinta qaadka.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa intaa ku daray “Qaadka la joojiyay dayuuradihii keenaayay baala joojiyay. Daruufo gaara oo jira awgeed ayaana arrintaa loo yeelay, waana ku meel gaar, anagaana soo sheegi doona waqtiga dayuuradahaas la furayo iyo habka lagu furayaba.”

Mar la weydiiyay in Dowladda Kenya ay ku wargeliyeen inay joojiyeen diyaaradihii qaadka dalka keeni jiray iyo in kale, ayuu sheegay in lagu wargeliyay dhammaanba dhinacyadii ay khuseysay.

“Dadkii ay khuseysay oo dhan shalay ayaa waxaa dhammaan gaarsiiyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada, C/waaxid Sheekh Cumar. Cid walba waa ka war haysaa.” Sidaasi waxaa yiri Wasiir Jangeli.

Su’aal ahayd in joojinta qaadka uu ku kooban yahay Magaalada Muqdisho iyo in gobolada dalka oo idil uu saamaynaayo, ayuu sheegay in dalka oo idil laga joojiyay qaadka.