Wasiir Hore Oo shaaciyey arrin ay DF sameysay oo ugu wacan amni-darrida Muqdisho

0
204

Muqdisho(INO)-Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada C/welli Gaas, C/samad Macalin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa ka hadlay waxyaabaha keena amni darada ugu badan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

C/samad Macalin, ayaa sheegay in badalaada lagu sameeyo saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo nabad sugida qaranka ay sabab u tahay amni darada dhaceyso magaalada Muqdisho maadaama ay adag tahay in maalin walbaa sarkaal cusub la bartaa ayna la qabsadaan ciidamada uu maamulayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in isku haleynta saraakiisha dowlada Soomaaliya ay sabab u tahay amni darada magaalada Muqdisho marar qaarkood.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaa muuqatay dabac fara badan, oo dhalisay in masuuliyiin dowlada ka tirsan in la haweesto, waxaa u sabab ah is bedel bedelka saraakiisha iyo wasiirada, taas ayaan isleeyahay iney dabac keentay”ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu sheegay in badalaada ra’iisul wasaaraha dalka ay qeyb ka tahay amni darada ka dhaceyso magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Waxaan isleeyahay waxaa keenay in lagu mashquulo wasiir hala badalo, ra’iisul wasaare hala keeno, waxaa kaloo jirta taliyaasha nabad sugida in la badel badelo, taasi nafteeda waxay kamid noqoneysaa amni darada iyo dib u dhaca jira”.ayuu yiri.

 Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here