Wasiir Hadliye “Madaxweynaha Sudan wuu cudur daartay, Shirka ma imaanayo”

0
181

Muqdisho(INO)— Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo goor dhow la hadlay Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir aanu ka soo qeyb geli doonin shirka Madaxeedka IGAD ee goor dhow ka furmaya Muqdisho.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu cudur daar soo diray, isla markaana uu u matalayo shirka Safiirka Sudan u fadhiya Muqdisho.

“Madaxweynaha Sudan wuu cudur daartay, shirka ma imaanayo, waxaa u matalaya Safiirka Sudan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wafer kale oo ka socota Uganda iyo Koofurta Sudan ay soo socdaan, isagoo xusay in shirka uu furmi doono goor dhow.

Wariyeyaasha ku sugan xarunta shirka ka dhacayo ayaa soo sheegaya in shirka uu furmi doono 3-da Galabnimo, isla markaana Madaxda ay soo dhameystirmi doonaan.

Illaa iyo hada waxaa soo gaaray Muqdisho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam iyo wasiiro arrimo dibadeedyo.