Wasiir Caadil Sheegow “Ma Aqbali Karno In Dad Rayid Ah oo Jooga Puntland Loogu Waxyeeleeyo Koonfur Bay Kasoo Jeedaan”

0
379

Muqdisho(INO- Wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamaanka ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka  Caadil Sheegow Sagaar oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay iney dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wasiirka oo magac xildhibaanimo ku hadlayay ayaa hadalkiisa ku bilaabay:-

“Xildhibaanno ayaa shir jaraa’id qabtay oo ka cabanaayo maamulka Puntland Khaasatan magaalada Gaalkacayo, rag aan waxba galabsan oo aan shabaabna shaqo ku lahayn, in reer Gaalkacayo Qabteen dhowr habeen ka hor, magaalada meel ka baxsan si aad u fool xun oo bini’aadamnimada ka baxsan loo dilay, iyo sawiradoodii la keenay halkaan oo dadka oo dhan argagax galiyay, si foolxunna dadkaas loola dhaqmay”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Aniguna codkayga waxaan ku biirinayaa xildhibaanadaa hore aniga oo magac xildhibaan ku hadlaayo, maamulka Puntlandna waa in arrinkaa ay kasoo garbaxaan, xildhibaanada hala soo xiriiraan iyo dadkii la laayey Ehelkoodii oo ay kala xaajoodaan; hadday noqon lahayd in dadkii dilay warcad laga keeno oo la soo qabto, oo la soo kala caddeeyo in maamulku amray iyo haddii dilka ay ka dambeeyeen shakhsiyaad “.

Puntland waxa uu xasuusay in dadku ay wada taageereen markii ay la dagaalamayeen Al-Shabaab:

” Dadka la dilay waa laba qof, waxay ahaayeen dad ganacsato ah oo Koonfur ka soo jeeda oo si sharci darro ah loo dilay, waanan uga digayaa Puntland waxaas oo kale ku dhaqaaqdo, markii ay Shabaab la dagaalameysay Puntland xukuumad iyo baarlamaanba way taageereen, laakiin shakhsiyaad ganacsanaya in magac loo bixiyo oo la laayo wax la aqbali karo maaha”.

“Puntland waan u ogolnahay iney la dagaalanto cadowgeeda, laakiin dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah oo shaqaale ah Koonfur ayay kasoo jeedaan in waxyeello loogu geysto haddaan nahay xildhibaanadii Soomaaliyeed waxaan aqbali karno maaha, siyaasadna way naga dhexeysaa barina way noo baahan karaan, waxaa fiican sida aan anagu u qadarinno iney noo qadariyaan”, waana sida uu hadalka u dhiga.

“In dowladda dhexe aan arrinka hor dhigno waxaa nagala qurxoonaatay inaan xildhibaan ahaan ama beel ahaan loo xalliyo, haddii la xallin waayo dan ayay u tagi doontaa in dacwad la geeyo oo ay maxkamad gaarto”ayuu hadalkisa ku daray.

Ugu dambeyn, waxa uu baaq u diray Puntland una sheegay wadada ugu habboon ee xalka dhacdadaa lagu gaari karo:

“Ma aqbalayno in shacabka aan matalno lagu waxyeelleeyo meel kale, Puntaland iyo shacabkeedaba waxaan ugu baaqayaa inaaney ku degdegin falalka nuucaas oo kale ah, haddii ay dhacaanna Soomaali dhaqan ayay leedahay,  waan haynaa dadkii ay falka ka geysteen beelihii ay ka soo jeedeen ha nala soo xiriiraan anaga ayaa u ballamineyno si ay ula xaajoodaan, waxa la isku afgarto dadka la dilay dadkooda ayaa cafin karo ama mag ka qaadan kara ama qisaas weydiisan kara, ula jeedadeenu waa in wixii meel lagu ogaado”.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here