Wasaaradda Warfaafinta KG Soomaaliya Oo Taagyeero U Raadineysa Dhismaha Xarunta Radio iyo TV KGS

0
220

Baydhabo(INO)-  Wasaaradda War faafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Taagyeero u raadineysa Dhismaha Xarunta Radio iyo TV -ga Codka Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan Qalabkiisa La Keeney Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Ugaaas Xasan Cabdi

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaalia Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo Wasirka Warfaafinta Dowlada Dhexe Ee Soomaaliya Maxamed Xayir Maariye ayaa dhawaan si wada jir ah U dhegex dhigeen Xun dhexe oo uu yaalan Doono TV-ga iyo Radio Dowlada KGS, Iyagoona Bulshada Ka Soojeeda KG Soomaaliya Ee Ku Dhaqan 5ta Qaaaradood Ee Aduunka ay dalbadeen Ka Qiib Qaadashadda dhimsaha Xarunta Radio iyo TV-ga Codka  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda War faafinta iyo Wacyi-galinta KG Soomaaliya ayaa waxay Dadaal ugu jirtey Tan iyo Markii Dowlad Koonfur Galbeed Soomaliya la dhisey sidii loo heli lahaa Radio iyo Tv- Adag oo ay Yeelato Dowlada.

Dowlada Taliyaaniga oo Ka mid ah Dowladaha Saaxibada La ah DFS iyo Maamul gobleedyada Soomaaliya ayaa ugu deeqdey Koonfur Galbeed Soomaaliya Sanadkii Tagey daba yaaqadiisa Qalab Radio iyo TV-ga, kuwaasoo Lagu wareejey Dowlada KG Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo hadda  ku sugan Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya ayaa ugu baaqdey Bulshada KGS Ee ku Nool Qurbaha inay kaalin Weyn ay ka Ciyaaraan Dhisamaha Xarunta Radio iyo TV-ga Codka KG Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Dowlada KG Soomaliya ayaa sanadkan waxay rajo weyn ay ka qabta in ay hergaliso Tv-ga iyo Radio Codka Dowlada KGS, kuwsoo lagu baahin doonaa Barnaamijyada Dowlada.

Idale News  Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here