Wasaaradda qeyraadka oo soo bandhigtay geed mireedyo loogu talagalay in lagu caawiyo beeraleyda

0
176

Wasaaradda Qeyraadka ayaa maanta soo bandhigtay Geed miroodyo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka beeraleeyda ah ee ku nool goballada dalka iyadoo dhinaca kalana sheegtay in wasaaraddu ay wax ka qabaneyso cayayaan halakeyay wax soo saarka Beeraha dalka.

Abuurkan ay manta soo bandhigtay wasaaradda qeyraadka dalka ayaa waxa ay tiradoodu gaareysay 4,000 oo geed kuwaas oo ay ugu tala gashay in ay looga faa’ideeyo beeraleyda ku dhaqan gobollada dalka si u abuurtaan waxna uga soo saaraan.

Agaasimaha waaxda beeraha wasaaradda qeyraadka Maxamed Faarax Cali ayaa sheegay in abuurkan ay yihiin kuwo isugu jiro noocyo badan ayna ugu talagaleen in la siiyo beeraleyda dhowaana ay u qeybin doonaan.

Sidoo kale agaasimaha ayaa tilmaamay in cabasho ay ka soo yeereyso beeraleyda ku dhaqan gobollada Sh/hoose iyo Sh/dhexe taas oo ku aadan in dalagyadii ay abuurteen ay baabi’iyeen cayayaan dhowaana ay wasaaradu keeneyso dawo lagu buufiyo beeraha.

Idale News Muqdisho