Wasaaradda Kheyraadka Dalka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay shaqsiyaadka sida sharci darada ah u dhisanaya dhismooyinka ay leedahay wasaaradda ee ku yaala magaalada Muqdisho iyadoo sheegtay wasaaraddu in sida uga dhaqsida badan ay uga howlgali doonto soo celinta dhismooyinkii ay dalka ku lahayd.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Kheyraadka Dalka Saciido Xasan Cusmaan oo maanta la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa uga diqtay shacabka Soomaaliyeed ee ku howlan dhismaha xarumaha ay leedahay wasaaradda in ay joojiyaan.
Saciido Xasan Cusmaan ayaa xustay in waqti la siinayo dadka dagan xarumaha ay leedahay wasaaradda kheyraadka dalka iyadaa oo tilmaamtay in aysan meel cidlo ah ku dayaceen, waxa ayna intaasi ku dartay in shacabka ay joojiyaan boobka ay ku hayaan hantida dowladda.
Ugu dambeyntii waxa ay carabka ku dhufatay in hantida Qaranka ay ka dhaxeyso dhamaan shacabka Soomaaliyeed aysan jirin cid si gaar ah ugu tagri falikarto.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u go’aamisay in ay dib u soo celineyso hantida ay leedahay dowladda si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.
Idale News Muqdisho