Muqdisho ( INO)-Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kaamil Macallin Shukri oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in Ciidamada Amniga ay kala shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa Amniga Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Cabdi Kaamil Macallin Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidanka kaliya aysan wax ka qaban karin Amniga Muqdisho sidaas daraadeed ay shacabka Masuuliyad ka saaran tahay ka qeyb qaadashada Sugida Amniga Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa daboolka ka qaaday in shacabka looga baahan yahay in ay soo far muuqaan kooxaha ku howlan amni darrida Caasimadda Muqdisho.
Ciidamada Ammaanka ayaa inta badan howlgallo ka sameeya Xaafadaha Muqdisho hadana , howlgalladaasi waxba kama bedelaan caqabadaha amni ee jira iyadoo maalmihii la soo dhaafay Magaalada ay ka dhacayeen falal Amni darri sida dilal qorsheysan.
Idale News Online, Muqdisho