Muqdisho (INO) — Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxa’ed Yuusf ayaa sheegay inay Cashar fiican ka barteen Weerarkii Jimcihii ka dhacay Hotelka Central oo Kooxda Al shabaab sheegatay.
“Haddan Ciidanka Laamaha Amaanka waxay xoojiyeen feejignaantooda ku aadan Weerarada Al shabaab ee Muqdisho, waxaana ay la shaqeyn doonaan Shacabka si markale uusan u dhicin mid lamid ah Weerarkii central Hotel,” ayuu yiri Maxa’ed Yuusf.
Wuxuu sheegay in Al shabaab ay ku dhex-jiraan Gudaha Xaafadaha Muqdisho oo shacabka ay isku dhex-qarinayaan, islamarkaana ay Ciidanka kusoo saari karaan kuwa Dhagarqabiyaasha ah in Shacabka iyo Ciidanka Amaanka wada shaqeeyeen.
Maxa’ed Yuusf ayaa intaasi ku daray inay socdaan Baaritaano xoogan oo Amaanka Caasimadda lagu xaqiijinayo, sidoo kalena looga hortagayo Weerar cusub oo hadda lagu diyaarinayo Muqdisho oo xogtooda ay heleen.
Si kastaba, horey ayay Hay’adaha Amaanka u sheegeen inay ka hortagayaan Weerarada Al shabaab balse taasi ma aysan dhicin oo marar badan ayay Al shabaab fuliyeen Weeraro iyo Dilal qorsheysan.
Idale News Online , Muqdisho