Wasaaaradda Maaliyada Ee Dowladda KGS Oo Dib U Dayactir Ku Sameeysey Bank Dhexe Ee Degmada Baydhabo.

0
246

Baydhabo(INO)-Dowladda Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa bilaawdey qorshe Cusub oo lagu dayactiraayo Bank Dhexe ee Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay, kaasoo burbursan mudo 25 sano.

lugbuur

Munaasabadda dhismaha Bank Dhexe waxa ka Hadley Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Aden Xasan Maxamed(Usama), Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Degmada C/laahi Cali Watiin, isagoona soo dhaweeyey dib u dayactirka kaasoo uu sheegey inuu  muhiim u yahay shacabka Magaalada Baydhabo iyo hanaanka Maareynta Maaliyadda Ee KG Soomaaliya.

Waan soo dhaweynaya qorshaha Dowlad Goboleedka KG Soomaaliya ay dib ugu dhiseyso Bank Degmada Baydhabo, waxaana ay iska kaashanaya Dowlada Denmark, Dowladd Soomaaliya iyo dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Gudoomiye  C/laahi Cali watiin.

Wasiirka wasaaraddda Maaaliyadda Ee Dowladda KG Soomaaliya Sheekh Ibraahim Lugbuur ayaa sheegey in dhimaha Bank uu muhiim u yahay shacabka Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana wasaaradiisu ay dooneyso inay maareyso Dhaqaalaha Degaanadda KG Soomaaliya.

Bank dhexe ee Degmada Baydhabo waxa uu qiib weyn ka geysan doona habka Maareynta Hantida Dowladd KGS, horey waxaan Akoono inooga furnaa Bankigiyo kale oo si gaar ah loo leeyahay, waxaan u soo tababarney shaqaalle looga talagaley hanaanka Maaliyaddda Bankiga” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Lugbuur.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Maaliyadda Ee Dowladda KG Soomaaliya ayaa sheegey in shaqaalle tayey horey ay ugu caawisey tababarkooda  Hay’da SSF  kuwaaso sida uu tilmaamey qaar ka mid ah hadda ay tababaro u joogaan Magaalda Nairobi ee Dalka Kenya, waxa uu intaa ku darey  in shaqaalle kale oo tayo badan leh dhawaan loo tababari doono wasaaraddiisa.

Horey hay’ada SSF waxay noo tababartey Shaqaalle, hada waxaan rabnaa Bank Aduunka in aan la kaashano tababaradda iyo xariir suuban” ayuu yiri  Mar kale Sheekh Ibraahim Lugubuur wasiirka Wasaaradda Maaliyada Ee KG Soomaaliya.

Ugu dameyntii, Bank dhexe ee Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa burbursanaa tan iyo Markii  ay  duntey dowladi dhexe Ee soomaaliya,isla markaana waxa dhawaan laga saarey qoysas horey ay u degnaayeen kuwaaasoo la siyey qoys kasta  lacag dhan $1000.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here