Iyaoo 20ka Desember 2016 ay ku beegan tahay 73 Guuradii Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegatay 20,kii Diseembar 1943kii.
Sidaas awgeed waxaan Akhristeyaasheenna ugu soo bandhigeynaa Taariikhda Booliska Soomaaliyeed ka hor burburkii dowladdii dhexe ee 26,kii Jannaayo 1991kii.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.
W A A J I B A A D K A CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED.
Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-
1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha
2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara
3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.
4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah:
– Taliyaha
– Taliye xigeenno
– Hoggaano
– Qeybo
– Saldhigyo
– Laamo.
– Hoggaannada ciidanka waxay kala yihiin:-
1- H o g g a a n k a Ciidanka
2- H o g g a a n k a Maalyadda
3- Hoggaanka Saadka
4- H o g g a a n k a Nabadgelyada waddooyinka.
5- H o g g a a n k a Tababarrada.
6- H o g g a a n k a Caafimaadka.
7- H o g g a a n k a Gaadiidka.
8- H o g g a a n k a Ilaalinta Canshuuraha.
9- H o g g a a n k a Isgaarsiinta.
10- H o g g a a n k a Dhismaha.
11- H o g g a a n k a Baarista Dembiyada.
12- H o g g a a n k a Howlgelinta.
13- H o g g a a n k a siyaasadda.
LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA
1- Laanta Baarista Dembiyad
2- L a a n t a Canshuuraha.
3- Laanta Socotada.
4- Laanta Birmadka Booliiska.
QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA.
1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.
2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ).
3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ).
4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne).
5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ).
6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ).
7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ).
8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ).
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa:
1. Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho (Dugsiga Sare ee Booliiska Xamar “Scuola di Polizia“), waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo (Cali Salaamey), Dugsiga Tababarka Carmo, Gobolka Bari.
2. Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah.
Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta.
Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL.
Idale News Online, Mogadishu, Somalia