warxasaasi ah:Imaaraadka Carabta oo gaadiidka ciidamada iyo kuwa aan xabadaha karin kala baxay Xerada Jen. Gordon

0
202

Imaaraadka Carabta ayaa ku guda jira geeddigii ugu dambeeyay oo uu dhamaan wixii agab ee ka yaalla Xerada Tababarka Ciidamada ee Jen. Gordon uu kala baxayo.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in galabta illaa caawa ay gaadiid fara badan ka soo baxeen Xerada Jen. Gordon, waxaana gaadiidkaas ka mid ahaa kuwa ciidamada, booyado iyo gaadiidka aan xabadaha karin oo ay isticmaalayeen Saraakiisha Tababarka Imaaraadka.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan gaadiidkaas iyo agabyada kale ee xerada ka yaallay la isugu geeyay Xaruntooda Safaaradda ee degmada C/casiis.

Markab shalay ku soo xirtay Dekeda Muqdisho ayaa la sheegayaa in maalmaha soo socda lagu daabuli doono, iyadoo la sheegay in warqad fasax ogolaansho ah ay ka heystaan Wasaaradda Amniga in alaabtaas ka rartaan Dekeda.

Imaaraadka Carabta ayaa go’aansaday inuu joojiyo dhamaan howshii tababarka iyo taageerada ciidamada, waxaana muuqata inuu ka sii qalab qaadanayo xeradii tababarka ciidamada uu ku tababaray boqolaal askari.

Lama oga go’aanka kama dambeysta ah ee uu qaadan doono, marka dhamaan wixii agab uu ka rarto Muqdisho, iyadoo aanay kala cadeyn mustaqbalka Safaaradooda Muqdisho inay sii joogayaan Diblomaasiyiintooda iyo in kale.