Warsaxaafadeed : Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyeen Madaxweynaha Cusub Ee Somalia

0
228

Warsaxaafadeed 

Ujeedo:  Soo Dhaweynta Doorashada Madaxweyne Mohammed Abdullahi Farmaajo.

Ka dib maalintii Arbacadii 08 Febraayo 2017  ay xildhibaanada iyo mudanayaasha  Soomaalida ee labada aqal ay cod aqlibiyad leh ay ku doorteen Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, waxaa  Jamhuuriyadda  Federalka Soomaaliya u baryay waa cusub iyo nidaam cusub oo ka turjumaayo rabitaanka iyo dareenka shacabka Soomaalida.  Doorashada  Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo waxa ay muujisay in hore loogu socdo nidaamka dimuqraadiyadda iyo  bilwogii xoojinta midnimada iyo kalsoonida ummadda Soomaalida ay ku qabaan hogaamiyeyaasha  siyaasadda mustaqbalka oo ay rabaan inay hogaamiyaan dalka.  Runtii guushaan waa guul ay suurtageliyeen inta badan xildhibaanada baarlamaaaka Federalka Soomaaliya iyo kuwa aqalka sare kuwaas oo muujiyay waddaninimo , karti  iyo hufnaan ay codkoooda ku bixiyaan.

Hadaba golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (Southwest Salvation Council) , waxa uu si diiran u soo dhaweynayaa  doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudne Mohamed Abdullahi Farmaajo 2017-2020, oo ku tilmaamay in ay tahay guul u soo hooytay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel nabadda, cadaaldadda , maamul wanaagga  iyo wax u qabashada dadka tabaaleysan ee Soomaalida meel kasto oo ay joogaan.

Golaha Badbaada KGS Soomaaliya, waaa kale oo kale uu ammaan u soo jeedinayaa dhammaan xubnihii la tartamaayay  Madaxweyne  Mohamed Abdullahi Farmaajo  gaar ahaan madaxweynihi hore ee Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud, oo si hufan ku aqbalay natiijada doorashada isla markaasna u wareejiyay masuuliyadii madaxweynenimada si wanaagsan oo ka muuqatay ilaalinta dowladnimada iyo midnimada Soomaalida.

Sidas darteed waxaan u rajeyneynaa madaxweynaha cusub ee  la doortay ,mudande  Mohamed Abdullahi Farmaajo, in uu ku guleysan doono howlaha ballaran oo ay ka sugayaan dadka iyo dalka Soomaaliya , gaar ahaan hergelinta sharciga, ladagaalanka musuqmaasuqa, iyo kala dambeynta, kuwaas oo fure u ah horumarka iyo midnimada bulsho kasto oo ku dhaqan aduunka, gaar haan dalka iyo dada Soomaalida oo ku  jira marxalado loo bahanyahay hogaan hufan oo daaweeya dhibaatooyika  waqtigaan ka jira dalka Soomaliya.

Waxaan dalkeena Soomaaliya u rajeyneynaa Guul iyo Horumar.

Mahadsanidiin.

Abdulkadir Abukar Sheikh

Gudoomiyaha Golaha Badbaadada  Koonfur Galbeed Soomaaliya 

email. southwestsalvation@gmail.com