W/Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay Golaha Shacabka

0
179

Idalenews:-Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta oo ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda ayay  Xildhibaanada Golaha Shacabka  guda galeen  su’aala weydiinta Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi oo fadhiga Golaha shacabka ku sugnaa, waxaana su’aalaha laga weydiinayay qaarkood ay ku saabsanaayeen Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka go’antahay horumarinta shaqada arimaha dibedda, iyadoo lagu dhaqmayo shaciga u yaala.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim  ‘’Muudey’’ oo kulanka golaha shacabka soo xiray ayaa u mahad celiyay wasiirka arimaha dibadda iyo xildhibaanada golaha shacabbka oo wasiirkasu’aalo dhowr ah weydiiyay, wuxuuna sheegay in golaha shacabka uu mar walba diyaar u yahay in wasiirada kula xisaabtamo howsha ay u hayaan dadka iyo dalka.