Muqdisho (INO) – Xaflad ka dhacdey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayna soo agaasimeen qaar ka mid ah ururka GURMAD isla markaasna looga dhawaaqey in Dr. Abdinasir Mohamed uu u taagan yahay xilka Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa waxaa isla markiiba beeniyey garabka kale ee ururka GURMAD oo sheegay in Kooxda GURMAD aysan laheyn wax musharax ah isla markaasna Musharax Dr. Abdinaasir Mohamed uusan iyaga ka mid aheyn.
Gudoomiyaha ururka GURMAD Maxamed Ciise oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho oo la hadlaayey mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee gudaha dalka Somalia ayaa sheegay in wax laga xishooda ay tahay in magacooda lagu been abuurto, ururka GURMADna uu u taagan yahay ka hadalka danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, mana ahan urur siyaasadeed oo xukun doon ah; waa sida uu hadalka u dhigaye.
Idaale News Online, Mogadishu, Somalia