Wariye Cabdi-nuur Mayow ayaa waxa xabsiga u taxaabay sida la sheegey ciidamo ka amar qaata gudoomiyihii hore ee gobolka Baay C/fitaax Ibraahim Geesay oo iminka ah musharax u taagasn qabashada jagada madaxweyninimada koonfur galbeed soomaaliya ,waxaana warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan waxa loo xiray.
Xiriir ay La sameysay shabakadda Warbaahinta Idalenews Online(INO) ee dadka ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ogaatey sababta loo xiray ay tahay saxafigan warar khaldan oo uu faafiyay.
C/fitaax Geesay oo ah qof khibrad dheer u leh dhinaca saxaafada ayaa amar ku siiyay ilaaladiisa inay soo xiraan wariye C/nuur Mayow oo warar xaqiiqda ka fog u gudbiyay warbaahinta Muqdisho, kaasoo ahaa in 50 Malaaq laga hor istaagay inay ka qeybgalaan shirweynaha dowlad goboleedka loogu sameynayo lixda gobol ee Koonfur Galbeed.
C/nuur Mayow ayaa noqonaya wariyihii ugu horeeyay ee inta uu socdo Shirweynaha Koonfur Galbeed lagu xiro Magaalada Baydhabo Janaay.
Idale News Online, Baydhabo.