Wariyeyaal la Garaacay & Xildhibaan lagu Xadgudubay

0
246

Muqdisho (INO) – Wariyeyaal ka Tirsan Warbaahinta ayaa Maanta Madaxtooyada ay ku Garaaceen Ciidan ka Tirsan Ilaalada Xaruntaas oo Xad Gudubna u Geystay Xildhibaan Baarlamaanka ka Tirsan.

Teaser Image Villa Somalia: Wariyeyaal la Garaacay & Xildhibaan lagu Xadgudubay

Ilaalo ka tirsan Madaxtooyada ayaa Wariyayaasha Garaacay kana qaaday Qalabkii ay Warka kaga duubeen, iyadoo laga tirtiray dhamaan waxii Xog ahaa ee ugu duubnaa Qalabka.

Waxaa Xusid mudan in Qalabka ay Saxafiyiintu Codadka ku siteen Dhamaanba lagu Tirtiray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta sida ay sheegeen Saxafiyiinta.

Wariyayaasha ayaa Xarunta Madaxtooyada ka hor Wareysiga Xildhibaanka kaga qeybgalay Munaasabad ay Dowladda kula Wareegeysay Gaadiid ay ugu deeqday Qaramada Midoobay kuwa Xabadda Celiya ah.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Kulalihi ayaa ka hadlayay is Hortaag Ciidamada Madaxtooyada ay ku Sameeyeen isaga oo doonayay in uu la kulmo Madaxweynaha.

Idale News Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here