Dhageyso: Wariyeyaal DFS u Xiran oo Maanta la Maxkamadeynayo

0
293

Muqdisho (INO) – Waxaa Maanta la Maxkamadeynayaa Wariyeyaal 5 Gaaraya oo DFS u Xiran, kuwaa oo loo Heysto qaarkood Dembiyo Qaran sida ay Dowladdu sheegtay.

Teaser Image Wariyeyaal DFS u Xiran oo Maanta la Maxkamadeynayo

Wariyeyaasha Maanta la Maxkamadeynayo ayaa kala ah, Gudoomiyaha Idaacadda Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, Maxamed Bashiir Xaashi Madaxa Wararkana ka ahaa Idaacadda Shabelle, Axmed Cabdi Xasan soo saare ka Tirsan Isla Shabelle, Agaasimaha Idaacad lagu Magacaabo SKY Maxamuud Carab iyo Maxamed Cabdi Cali oo soo Saare ka ah Idaacadda Risaala ee Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa 15-ka Bishii Dhamaatay sheegay in Wariyeyaasha Maxkamada la horkeenayo 1-da Bisha March oo Maanta ku beegan.

Maxkamadda Gobolka ayaa Dhowr mar dib u Dhigtay Maxkamadda Wariyeyaasha, waxaana la Filayaa Maanta in ay Dhamaan Wariyeyaashaasi Helaan Cadaalad.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here