Waxaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina Wariye Maxamed Maxamuud Timadacade, kaas oo maalma ka hor kooxa bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen degmada Wada-jir ee gobalka Banaadir.
Waxaa wararku sheegayaan in wadnuhu istaagay Marxuumka kadibna uu sidaasi u geeriyooday
Tima-cadde ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Muqdisho iyada oo ay socoto qaban-qaabada lagu doonayo in lagu aaso.
Maxamed Maxamuud Timada-cade ayaa geeriyooday maalma uun kadib markii isbitaalka la dhigay uuna u muuqday nin soo kabanaaya.
Waa wariyihii 7-aad ee sanadkaan lagu dilo Soomaaliya, waxaana tacsi u diray ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed dhamaan bahda Saxaafada Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay.
Idale News Muqdisho