Wariye Colombo”Ma Maanta ayey gaareen Kenya iyo Ethiopia iney Soomaalida Albaabada kasoo xirtaan ( Qormo Xiise leh ).

0
192

Wariye Colombo”Ma Maanta ayey gaareen Kenya iyo Ethiopia iney Soomaalida Albaabada kasoo xirtaan ( Qormo Xiise leh ).

Berigii Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto ay Raadineysey Xoriyada ayaa Heesaha Guubaabada ee ay isu jiibin jireen sida aan maqley waxaa ka mid aheyd heestan. Waxa aan la Ooyayaa oo Ilmadu iiga Qubaneysaa waxaan ahey Nin la Adoonsadeyoo Aqtiyaarka loo Diidee.

Walaalayaal waxaa sida Erayada ka muuqda aan ka dhan dhansan karnaa in soomaalida la Adoonsanayey Xiligaas oo wax Iqtiyaar ah oo ay leeyihiin aysan jirin waxa keliya ee ay ku qancaana ay aheyd iney Gumeysiga ka Xoroobaan taas oo ugu dambeyntii Riyadaas ay u Rumowdey Sanadkii 1960,kii.

Rag badan oo aan Axsaab nahay marar badana aanu isla Falanqeeyno Xaalada uu waqtigan ku sugan yahay Wadankeena Hooyo ee Soomaaliya ayaa waxaa dhacdey Maalin dhaweyd in Nin ka mid ah Raga Saaxibadey ah uu dib ii soo xasuuiyey Miraha Heestan aan idiin soo khadimey waxuuna isagoo isla arimahaas ka hadlaya uu Saaxibkey igu yiri Kolombow markaad u fiirsato Xaalada Soomaaliya ay waqtigan ku sugan tahay sow lama dhihi karo maba nihin dal Xor ah oo Dunida ka jira waxaana aan Aaminsanahay ayuu yiri iney nagu waajib tahay sidii Gobonimo doonkii Soomaaliyeed inaan mar kale isku guubaanino Heestaas aan soo xusey koleyba shaqsiyan waxey ila tahay Aragtidaa Saaxibkey iney dad badan oo Soomaaliyeed u Guuxayaan iyadoo sidoo kalena ay dheci karto in dadka qaar aysan sidaas u arag.

Aqristayaasha sharafta lahow aan u soo Daadego Dulucda Qoraalkan aan idiin soo gubinayo waxaana aan jeclahay bal inaan dib ugu Milicsano Urugada iyo Uur ku Taalada ay Gayeeysiisey Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Caalamka ka joogaan dhibaatadii Xanuunka weyneyd ee ka dhacdey dhawaan MagaaladaNairobi ee dalka kenya ka dib markii si sharaf dil ah ay Askarta Dalkaas ula dhaqmeen Hooyooyin ,Aabayaal,Caruur aad u yar yar,Wiilal iyo Gabdho dhalinyaro Soomaali ah iyadoo sida ay soo Bandhigeen Warbaahinta dadkaas oo Goobahooda Ganacsiga iyo Guryahooda ku sugan laga soo kaxeeyey ayaa iyagoo Boqolaal ah sidii Xoolaha leysugu geeyey Garoon kubadeed waxaana waxyaabaha sida gaarka ah soomaalida ay uga xanuunsatey ka mid ahaa in Haweenka qaarkood oo Fool ahaa ama markaas dhaley loola dhaqmey si Bina Aadanimada ka baxsan.

Hadaba iyadoo dhibaatooyinkaas is Biirsadey ay jireen ayaa waxaa shacbiga Soomaaliyeed ay la sii Arga gaxeen ka dib markii ay waayeen kaalintii Madaxda Soomaaliya waqtigan Hogaamisa kuwaas oo isaga aamusey iney ka hadlaan Arintaas Xanuunka Badneyd waxaana ay xitaa Muujin waayeen Dareenkooda ku aadan iney ka xun yahiin dhibaatada loo geysanyo dadka ay Madaxda u yahiin inkastoo lagu Amaani karo kaalintii uu qaatey Danjire Maxamed Cali America Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya waxaa kaloo xusid mudan in Ra,iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo Warbaahinta la hadley uu si aad u heer sareysa uga hadley arimaha dalka kenya ka dhacey waxuuna muujiyey sida uu ula Xanuunsanayo Umadiisa Soomaaliyeed iyadoo dadka soomaaliyeedna ay aad ugu Diirsadeen hadalka Mudane Farmaajo.

Walaalayaal intii aan qorayey Qoraalkan ayaa waxaa Maskaxdeyda ku soo dhacey Sheeko aan is leeyahay waa mid Shaabahda amba u eg arintan ka dhacdey dalka Kenya waxeyna aheyd sheekadaas sidan.

Barnaamijyadii Ciyaaraha ee Raadiyo Muqdisho aan ka baahin jirey Sanadahii 1982 ilaa 1991 Qubanayaashii Xiisaha lahaa ee aan Dhageystayaasha u soo gudbiyey waxaa ka mid ahaa mid aan kaga hadlayey Xaalada Horyaalka Kubada Cagta Talyaaniga oo mar ay ku Beegneyd Bartamahii 80,meeyada ay Laciifeen Xiisahii loo qabey waxaana Talyaaniga oo arimahaas ka hadlaya ay yiraahdeen.

Horyaalka Kubada Cagta ee Dalka Talyaaniga mar ayuu ahaa kan ugu Xiisaha iyo Xamaasada Badan Yurub iyo Caalamka kaleba khaarada Yurubna marbey Cagaheyga hoostooda ku jireen Maantana waan ka xunahay in Reer Yurub ay Albaabada naga soo xirtaan oo Horyaaladooda la Xiiseeyo sidaas waxaa ku Calaa Caley Madax ka tirsan Xiriirka Ciyaaraha Kubada Cagta Talyaaniga.

Hadaba Walaalayal markaad u fiirsataan Soomaaliya oo mar ka mid aheyd Dalalka ugu Heybada iyo Sharafka badnaa khaarada Afrika ayaa sida aanu waayahan aragney markii Xukuumadeenii ay Bur Burtey waxaa dhacey in Ethiopia iyo Kenya oo Heybada iyo Karaamada ay inoo hayeen la ogaa ayaa Maanta waxey gaareen iney Albaabada naga soo xirtaan. Gaar ahaana Dalka Kenya oo sida sharaf darada Umadeena u Bah dilayaan. ugu dambeyn waxaan Qoraalkeyga ku soo xirayaa waa iska Xaal Aduun waxaase Hubaal ah sida Somaliya ay haatan u Indho xun tahay ineysan u Ale la,ayn oo mar un ay Dhibaatada ka bixi doonto ilaaheyna uu Gar Gari doono insha alah iyadoo Dadkeedana ay wanaaga u Mioobayaan.

qormo

W/Q:Wariye Colombo.

Idale News Online.