Nairobi(INO)-Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa daabacay in dhamaan raggii fuliyay weerarkii Jaamacadda Garrisa ay ahaayeen Kenyan.
Mid ka mid ah afarta ruux ee weerarka fulisay oo ay dileen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Kenya ayaa la ogaaday in la yiraahdo Cabdraxman Cabdullahi oo ah muwaadin Kenyan ah oo ku taqasusay cilmiga sharciyada.
Hase ahaatee sida ay daabacday wakaalada wararka ee AFP iyadoo soo xiganaysa wargeyska caanka ah ee dalka Kenya ee Daily Nation oo isagana soo xigtay warbixin sirdoonka aan la magacaabin ayaa sheegeysa in saddexda ruux ee kale weerarkana lagu diley ay ahaayeen muwaadiniin Kenyan oo ka soo jeeda gobolka xeebta ee Mombasa iyo degmo ku taal galbeedka Kenya ee Bungoma.
Wargeyska Nation ayaa sheegay in cadeynta ragga weerarka geystey la xaqiijin doono marka la soo gabagabeeyo baaritaan dhinaca faraha ah oo weli ay sirdoonka Kenya sameynayaan.
Hase ahaatee Booliska Kenya ayaan weli jawaab ka bixin warbixintan soo baxday.
Weerarka kadib ayaa Madaxweyne Kenyatta waxaa uu sheegay in argagaxisada ay xiddido ku dhex leedahay dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa ku xirtay lacag gaareysa $215,000 (200,000 euro) mid ka mid ah taliyaasha ururka Alshabaab Mohamed Mohamud oo ku dhashay dalka Kenya macalina ka soo noqday.
Idale News Online, Nairobi