Wargelin: Musharaxiinta Beelaha Digil & Mirifle ee doonaya in ay u tartamaan Kuraasta Barlamaanka Soomaaliya – Doorashada August 2016.

0
751

BAYDHABO (INO) –  Shabakada Wararka ee Idale News ONline waxay musharaxiinta Digil & Mirifle ee raba in ay ka qeyb-qaataan ololaha tartanka doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya siinayaan fursad si ay dadka deegaanka ula wadaagaan rajada siyaasadeed iyo Isbedelka dhab ah ay bulshada u hayaan.

  1. Waa fursad musharaxu ku heli karo taageero siyaasadeed, dadka deegaankana ugu soo bandhigi karo kartidiisa ama kartideeda waxqabad ee heer qaran, deegaan, ama caalami, iyo sida ugu haboon ee uu ku xaqiijin karo hadafka guud ee horumarka ummadda.
  2. Waa fursad masharaxu ku bandhigi karo “uniqueness” ama waxa uu kaga duwan yahay siyaasiyiintii hore iyo kuwa hadda tartamaaya ee ka soo jeeda isla deegaanka.
  3. Waa fursad isbarasho, is-dhex-gal iyo xiriir-abuur u dhaxeeya musharaxa iyo bulshadiisa, isla markaasna ay isku dhaafsan karaan fikrado keeni kara horumar bulsho oo dhinac walba leh.
  4. Waa fursad dadka deegaanka laf-ahaantooda ay ku ogaan karaan musharaxa leh daacadnimo, aqoon, waayo-aragnimo iyo karti hogaamineed oo dadka & dalka lagu mideyn karo.
  5. Waa fursad lagu baran karo sababaha guusha ama guul darada siyaasiyiinta iyo musharaxiinta raba in ummadda u adeegaan.
  6. Waa fursad dadka waxtarka leh ah ee bulshada kaga qeyb-qaadan karaan siyaasada dalka iyo horumarinta deegaanadooda, isla markaasna gacan siin karta dhalinyarada sidii ay u heli lahaayeen fursado shaqo, tababar, ganacsi, maalgashi, waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.

Barnaamijkaan oo Idale News Online idinkugu talagashey maaha oo kaliya barnaamij wacyi-galin ee waa xiriir-dhow (Network) oo dadka deegaanka u suurto galin kara in ay wax badan ka ogadaan wakiiladooda tartamaaya, iyo kartida iyo fahankooda dhabta ah ee la xiriira khataraha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo xalka siyaasadeed ee ay hayaan.

parliamentSeat

Haddii aad tahay musharax, fadlan u soo gudbi maamulka Shabakada Wararka Idale News Online Macluumaadka aad is leedahay wax badan ayey ka tareyaan ololahaada doorashada ee goleyaasha dowlada dhexe ee Soomaaliya ee bisha August 2016,  nooguna soo dir emailka ah: idalenewsonline@gmail.com, soona raaci sawirkaada, beesha aad wakiilka rabto inaad u noqoto iyo taariikh nololeedkaada oo kooban.

Xafiiska Shabakada Idaale News Online, Baydhabo.