Wargalin:Sharuudaha Laga Rabo Dadka Doonaya Inay Ka Qiib Galaan Imtixaanka Gorsooriyaasha Heerka Dowlad Goboleedka KGS Ee Gobolada Bay iyo Bakool

0
441

Baydhabo(INO)-Makamadda  sare Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay maanta Soo bandhigtey Sharuudaha laga rabo dadka doonaya inay ka qiib galaan Imtixaanka Gorsooriyaasha heerka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Gobolada Bay iyo Bakool.

  • Inuu yahah qof soomaali ah oo dadiisu ka badneyn 65 jir.
  • inuu yahay qof caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu gudan karo xilkiisa
  • inuu haysto shahaado qaynuunka iyo shareecadda ama shareecada uu ka soo qaatey jaamacad la aqoonsan yahay ama uu leeyahay khibrad u dhiaganta oo aan ka yareyn 3 sano.
  • inuu yahay qof akhlaaq iyo sumcad ku leh bulshadda.
  • inaan maxkamad si kama dambeys ah ugu xukumin fal dembiyeed.
  • inuu soo gudbiyo codsigiisa ku aadan ka qiib galka imtixaanka iyo sawiro.

Gollaha Adeega Garsoorka ayaa qiimeynaya kama dambeysta ah ee imtixaanka. qiimeynta imtixaanka iyo xulida cida ku guuleysatey, waxaa Go’aaminaya Gollaha Adeegga Garsoorka.

Cidkasta oo loo xusho garsoorka, waxa loo gudbinaya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si uu dikreeto ugu soo saaro.

Codsiga araajiyadda waxa  lagu hagaajinaya

  • kaaliyaha  maxkamadda Degmada Afgooye  ee Gobolka Shabellaha hoos Tellkiis:  0615887391
  • kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Bay,  Telkiisu: 0615587218. laga bilaabo 9th May – 16th May 2016.

FG: Ma Saameyneyso Garsoorihii Haysta Dekreeto Madaxweyne oo sharci ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Axmed C/lahi Xuseen ( Fanax)

Halkan Ka Akhriso

Dowladda-Koonfur-Galbeed

 

Idale News Online, Baydhabo